Maxay ayay Tahay Sababta aad u Tahay qofka aad tahay?
ilaahay subxaanuhu watacaalaa Ummaddiisa ma kala xigsado sabab uu midna taajir uga dhigo midna faqiir uga dhigo ma jirto, sabab uu midna nabad u siiyo midna colaad u siiyo ma jirto, hase ahaatee ilaahay waa loo simanyahay qof walbana xaalad uu ku jiro waa mid uu isagu isku keenay sida ku cad aayad Quraanka ah ee oranaysa (وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ) ✍🏾

Xeerarka Ilaahiga ah iyo Saameyntooda Noloshaada
Haddaba ilaahay waxa uu aduunkaan u dajiyay xeerar iyo qawaaniin aduunkaan ku dhisanyahay kuwaasi oo arrimaha iyo axwaasha kala hagaya si cadaalad ah, qof walba waxa uu la kulmayo iyo nooca nolol ah ee uu noolaan doono waxay ka dhalataa xeerarka ilaahiga ah ee kawnkaani ku dhisanyahay sida loo fahmo loona isticmaalo ayayna ku xirantahay waxa aad la kulmaysid✍🏾
Marka aan ku leeyahay ilaahay xeerar iyo qawaaniin Kawni ah ayuu aduunkaan u dajiyay waxaan ka wadaa qof muslim ah iyo mid gaal ahba kii qawaaniintaas fahma isticmaalana wuxuu noolaan karaa nolol uu isagu masuuliyadeeda leeyahay ee aysan duruufta ku haEmotionskaaga iyo dareemaha gudahaaga aad ka dareemaysid ee maalinlaha ah ayaa iyagnuna noqonaya qodobka labaad ee sida shakhsiga ah kuu maamula adiga
marka aad fahamtid emotionskaasi sida ay ku yimaadaan iyo cidda u sababta ahna waxa aad awoodi kartaa in aad iyaga maamusho ama bedesho kadibna emotionskaaga oo aad bedeshid ama aad maamushid ayaa waxa ay keeni karaan in aad xaqiiqada noloshaada aad bedeshidaad xaqiiqada noloshaada aad bedeshida sinaanayaa waxan jira dad badan oo intaas fahamsan oo ka shaqaynaya in aduunkaan aan la isasoo gaarin ama aan la sinaan ✍🏾
Qawaaniinta Kaa Dhigay Qofka Aad Maanta Tahay
Xeerarka iyo qaawiinta muhiimka ah oo aad u baahantahay si aad realitygaaga iyo xaqiiqada noloshaada aad u bedeshid waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
1- Qawaaniin si shakhsi ah qof walba u saamaysa (Personal laws)
2- Qawaaniin aduunka dhan iyo inta ku nool saamaysa (Universal laws)
Labadaas qodob fahamsanoow oo gow ama ha fahamsanaan oo ha ogaane hadda iyaga ayaa noloshaada caadiga ah hagaya, qaabka aad ugu dhaqantid ayaa waxa ay sabab u noqonayaan in qofka aad hadda tahay aad noqotid iyo in aad sii ahaatid qofkaas ama in aad isbeddel la timaado✍🏾
Qawaaniinta shakhsiyeed ee ku maamulaya waxaa ka mid ah ✍🏾
Fahanka Fikradda Madaxaaga Soo Galaysa
fikiradaha madaxaaga soogalaya ee maalinlaha ah kuwaas oo badankooda aadan adigu si shakhsi ah u dooran ee duruuftaada iyo deegaanka kugu hareeraysan ay kuu doorayaaan, balse ah fikrado la bedeli karo oo loo bedeli karo kuwa kugu aadinaya nolol ka qurux badan midda aad hadda ku jirtid✍🏾
Si aad u fahamtid Fikradahaasi waxa ay yihiin iyo sida ay inoo maamulaan waa in marka hore aad fahamtid meesha ay ku kaydsanyihiin ee ah waxa af ingiriiska loo yaqaan The consciousness oo runtii aysan jirin afsoomaali saxan oo aan ku fasiri karno balse ah awood maskaxeed aan la taaban karin oo qofka oo dhan maamusha ✍🏾
Consciousness waxa dhabta ah ee ay tahay la iskuma raacsana maadaama aysan ahayn xubin la taaban karo oo jirkeena ka mid ah, hase ahaatee ummadaha wax qorta qaarba waxbay ku qeexaan✍🏾
Consciousnesskeenu waxa ay qalab ahaan u adeegsataa maskaxdeedan ama wax af ingiriiska lagu dhoho The Brain oo iyadu ah xubin caadi ah oo la taaban karo oo jirkeena ka mid ah, In aad ahaatid qof conscious ah:
Waa awooda aad ku garan kartid arimaha dhacay adiga oo waxa hadda dhacaya si ay macno kuugu sameeyaan aad ku khasbantahay in aad dib ugu noqotid waxyaalihii horay u dhacay ee kayddsanaa markaas si waxa hadda taagan aad fasiraad ugu samayso wa in aad dib uga fakartid wax horay u jiray, haddii waxaas hadda taagan wax horay u jiray oo aad uga qiyaas qaadatid aadan garanayna inta badan consciousnesskaaga ayaa u samaysa wax jeebkeeda ah oo ay ku fasirto waxa markaas taagan✍🏾
Haddaba si aad qawaaniin shakhsiyeedka ku maamula aad u fahamtid waxaa muhiim ah in aad fahamtid afkaarta madaxaaga soo galaysa sida ay ku samaysmaan ✍🏾
Arimaha daqiiqad walba kuu dhacaya ee xaqiiqadaada ka midka ah waxa inoo sharaxaya oo micnana u smaeeysa consciousness-ka oo iyaduna waxa ay adeegstaa maskaxda, maskaxduna waxa ay adeegsataa asxaab iyo group u shaqeeya oo ah xawaasta shanta ah maadama iyadu ay qarsoontahay oo gudaha jidhkeena ay ku jirto marka waxa caawiya asxaabteeda oo ah dareemayaasha kala duwan sida maqaarka, araga, dhadhanka, maqalka iyo urta, marka maskaxdu waxa ay ku shaqeysaa wixii intaasi u sheegaan.
Haddaba Consciousnesskaaga ayaa masuul ka ah fikradaha madaxaaga soo galaya kuwaasi oo ah qaybta koowaad ee ah shruuc shakhsiyeedka ku hagaya✍🏾
Sidee Loo Maamulaa Emotions-kaaga si Aad u Maamusho Noloshaada?
Emotionskaaga iyo dareemaha gudahaaga aad ka dareemaysid ee maalinlaha ah ayaa iyagnuna noqonaya qodobka labaad ee sida shakhsiga ah kuu maamula adiga marka aad fahamtid emotionskaasi sida ay ku yimaadaan iyo cidda u sababta ahna waxa aad awoodi kartaa in aad iyaga maamusho ama bedesho kadibna emotionskaaga oo aad bedeshid ama aad maamushid ayaa waxa ay keeni karaan in aad xaqiiqada noloshaada aad bedeshid✍🏾
Fikradii madaxaaga kusoo dhacday iyadu waa sidii Iniin geed noqon kartay ooo kale balse biyaha ay sugaysay in lagu waraabiyo si ay xaqiiqo u noqoto waa Emotionska aad ku dartid, tusaale ahaan niyada waxaa kaasoo galay in aad cunto rabtid, haddii aad dareentid dareenka ah in aad gaajo dareento ama aqbasho dareenka gaajada ah waxaad biyo ku shubtay fikirkii ahaa in ay gaajo ku hayo,
dhanka kalena markaan soomanahay oo fikir gaajo ah uu madaxa kaasoo galo, emotion kaas beddelkiisa ah ayaan dooranaa oo ah in aynaan waxba cunin oo ajarka soonku ka weynyahay gaadaja taas ayaana keenaysa in adigao oo 12 saac sooman aadan gaajo la ooyin marmarka qaarna adiga oo saaka quraacday aad gaajo darteed qadada sugi waydid oo madaxu ku wareero, labada xaqqiiqo ee aad galaysid waxaa maamulay oo kala duwan fikirkii yimi iyo emotionkii aad ku dartay✍🏾
Saameynta Hadalka: Kalmadda Afkaaga Kasoo Baxda ma Waxbay Beddeshaa?
Qodobka saddexaad ee ah qaanuunada shakhsiga ah ee uu ilaahay sameeyay ee qofka maamula waa hadalka iyo kalmadaha afkaaga kasoo baxaya oo iyaguna saamayn toos ah ku leh nooca xaqiiqo ah ee aad noolaan kartid,
tani sharaxaad badan uma baahna oo badankeenu waynuba rummaysanahay in hadalka kiisa wanaagsana la inoo aqbali karo kiisa xunna aynu ka cuudu bilaysano, oo iminka qof safar baxaya haddaa ku tiraahdid niyohow amuu gaarigu kula dhacaa inta uu naxo ayuu ku oranayaa war balaayo ha noo saadin oo qodobkaan waa midka ugu badan ee si yara baahsan loo ogyahay.
balse qofkii u fiirsada oo sirta ku jirta fahma waa qodobka labada qodob ee kale ee ka koreeya macnaha weyn u yeeli kara, waana qodob ka u badan ee si dadban inoo saameeya maalin walba✍🏾
Saddexdaas qodob ee aan kor ku xusay ayaa shuruuc si shakhsi ah qof wala u maamusha oo qaabka aad iyaga u raacdid ayaa waxa kadhalanaysa noo ca xaqiiqo ah ee aad maanta ku jirtid, in aad shaqo haysatid ama in aadan haysan intaas ayay ka dhalatay, in aad taajir tahay ama in aad faqiir tahay intaas ayay ka dhaltay, in aad horumar samaysay iyo in aad meeshaadii hore weli joogtid intaas ayay ka dhalatay iskusoo wada duuboo nooca xaqiiqo ama reality ah ee aad maanta nooshahay ogow ama ha ogaane intaan ayay ka dhalatay✍🏾
Haddaba si aad u fahamtid qaabka ay arimahaani isku saameeyaan waa in aad fahamtid matoorka waxaan oo dhan kala maamulaya oo ah consciousness-kaaga iyo qaabka ay u shaqayso, oo waxa aynu ogahay marka ay consciousnesskaagu kugu hagayso xaqiiqo cusub waxa ay martaa saddex heer ama saddex stage oo kala horeeya✍🏾
Saddexda Heer ee Consciousness-ku Maro Kahor Ficilka
Heerka xog xaraynta (Input stage)
Heerkaan hore ee aynu marno waa marka koowaad in consciousnesskaagu uu hyastay xog u kaydsan iyo waxyaalo ay horay u taqaanay, marka uu sida fikir cusub ugusoo dhaco inta aysan wax kaleba samayn waxa ay la aadaysaa
waxaan fikirka ah ee igusoo dhacay horay xog noocee ah ayaan uga hayay oo iiga kaydsanayd, mararkii hore ee wax noocaaan ah laga fakaray emotions iyo dareemo noocee ah ayaan uga falceliyay, markaas kadib fikirkii ay xaraysay ee input stage marayay waxaa lagu qiimaynayaa xogta horay ugu kaydsand iyo emotionkaaga. kadib si go’aan loo gaaro kuwaas ayaa wax lagu qiimaynayaa,
ogowna hadde xogtaas badankeeda adiga oo aan ka fiirsan ayaa la xareeyay adiga oo aan caqli badan lahayn ayaa la xareeyay, duruufo kusoo maray iyo xaalado hore oo aadan waxba ka qaban karin ayaa lagusoo xareeyay, tusaale ahaan adiga oo yar ayad sonkorta jeclaatay,
maanta shay sonkor leh marka aad doonaysid in aad cuntid maskaxdaadu waxa ay ku noqonaysaa xogtii ay horay uga haysay iyo emotionskii hore ee ahaa in aad sonkorta horay ula dhacsanayd kadib emotion iyo dareen aqbalaad ah ayay ku wajahaysaa fikirkii ahaa maanta sonkor ma cunaa, hadde waxaa laga yaabaa in aadba sonkorow iyo macaan aad qabtay oo aysan wakhtigaan dani kuugu jirin sonkor la cuno hase ahaatee waxaa dantaada haddda ah ka weyn wixii horay u kaydsanaa ilaa in aad dib u dhistid oo dib ukala huftid xogta kuu kaydsan maahee✍🏾
2- Heerka labaad ee ay marta waa heerka wax soo saarka ama go’aan garka ah (Output stage/the decision making stage)
Heerkaan labaad ee aynu marno inta badan waa marka aad fikirkii madaxaaga kusoo dhacay uu kula saxnaado oo aad u riyaaqdo deedna emotion ama dareen aqbalaad ah aad ku dartid, ama in uu kula khaldanaado deedna dareen cabsiyeed ama diidmo ah aad dareeentid makra aad sidaa dareenkaas u aqbashidna waxaa ku xigi doona ficil iyo hab dhaqan ah in aad wax uun samayso oo noqonaysaba heerka saddexaad ✍🏾
3- Heerka saddexaad waa hab dhaqan muujin (Behaviour stage)
Qofkii marka uu fikiray deedna uu fikirkii kala tashaday xogtii u kaydsanayd kadibna uu nooc dareen ah ku daray, waxaa xigi doonta oo banaanka imaan doonta in la arko nooc dhaqan ah ama nooc ficil ah oo dadka kale xataa u muuqanaya qofkii oo ku dhex jira, ficilkaas iyo dhaqankaas banaanka imaanayay ayaana ah waxa an ka wada xaqiiqada noloshaada ama realityga aad ku dhex nooshahay ✍🏾
qofka maanta fakhriga iyo shaqo la’aantu hayso aan tusaale usoo qaadano✍🏾
waxa uu qofkaasi ka fakarayaa sida ay u xuntahay shaqo yaranta iyo lacag la’aantu kadib marka fikirkaasi madaxiisa uu soo galo waxa uu markiiba xasuusanayaa xogtii u kaydsanayd ee ahayd niyohow markii u dambaysay aan fikirkaan ka fakaray maxaan dareemay, markaas ayuu qofku xasuusanayaa in uu daremeay quus ciil xanaaq iyo niyad jab, kadib daremadaas uu dareemay markii u dambaysay ayuu mar labaad dareemayaa, deedna waxa uu weli kusii jirayaa shaqo la’aantii iyo lacag yaraantii, qofka shaqo la’anata iyo lacag yaraanta ku jira ayaa dareemadaas dareemi jiray, haddii imminka aad iyagii mar kale dareentana isla intii ayaad ku hogaansamaysaaa ✍🏾
hase ahaatee beddelkeeda makra aad ka fakartid in aad lacag yaraan iyo shaqo la’aan ay ku hayso waxaa la rabaa in aad u fakartid sida ay au fakaraan kuwa lacag badan iyo shaqo fiican haysta oo ah mahadcelin badan, farxad iyo niyad wanaag, hadde ogow waa adiga oo shiid iyo lacag la’aan ku jira marka aad dareentid sida ay dareemaaan kuwa xaalkaas bedelkiisa ku jira,
kadib emotionkaagaas ah in aad qanaaco mahadcelin farxad ka dhalatay lacag iyo shaqo aad dareentay ayaa waxaa ka dhalan doona in aad isku aragtid hab dhaqano aadan isku arki jirin, in aad la kulantid dad aadan la kulmi jirin, in aad tijaabisid fursado aadan tijaabin karin, ilaa marka dambe aad is aragtid adiga oo si fudud ku dhex yimi xaalado aad ku gali kartid shaqo fiican iyo lacag kaa badan oo kugu filan waana qaabkaan qaabka aynu u bedelno xaqiiqada nolosheedan inaga oo raacayna qawaantiinga kowniga ah ee uu ilaahay aduunkaan u dajiyay ✍🏾